Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu caaisha on February 02, 2016, 09:20:00 PM

Title: Su'aal: Cirbad uu I dhahay dhiiga ee kuu saxee?
Post by: Umu caaisha on February 02, 2016, 09:20:00 PM
Asc
Dr su. Aal iga jaahil bixi canug aa naas nuujiyaa habeenki uu ubadanyhy. .cado wareer aa I hayo dr aan u tagay cirbad u I dhahay dhiiga ee kuu saxee 15 bari kadib u kugu dhaca u igu yiri. .sadax bil aan sii maraa wax igu dhacay mlhn . canug yar oo 8 bilood jiro aa nuujiyaaa
Title: Re: Su'aal: Cirbad uu I dhahay dhiiga ee kuu saxee?
Post by: SomaliDoc on February 08, 2016, 04:29:53 PM
Haddii ay caadada kaa wareerto adigoo cunug nuujinayo waa arrin dabiici ah in cirbad kuu saxdo lagugu dhufto ma ahan, haweenka qaar caado ma arkaan xilliga naas nuujinta, qaarne way ka wareertaa, qaarne caadi ayay u ahaataa, waxayna ka timaadaa hormoonka naas nuujinta iyo hormoonka caadada ayaa is diidan.
Haddii ay caadada kaa maqnaato xitaa waa suura gal markaa naaska nuujinaysid.

Akhriso qoraal ku saabsan caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html)
Waxaad kaloo hubisaa in aad uur leedahay iyo in kale.