Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Madiino muxudiin on February 03, 2016, 01:27:46 PM

Title: Su'aal: Finan xanuun badan oo kasoo baxo....?
Post by: Madiino muxudiin on February 03, 2016, 01:27:46 PM
Waan idin salaamay
Waad ku mahadsan tihiin
Sida wanaagsan aad noo qadariseen.

Aniga mar walbo waxaan isku arkay
Hadii aan gashto kastuumooyinka caadiga oo eey dumarka xirtaan
Hadii aaan saacado  iigu jirto
AMA aan intaas suuqa aado ku soo daaho
Hadii aan iska siibo waxaan isku arkaa finin waa weyn oo xanuun badan meesha eey tinta kasoo baxdo
Waa soo bararaayaAn xataa hadii aaan kaadida iska dhaqaayo Weey I dhibeysaa taabashadeeda

Adinkoo mahadsan maxaa keeni karo?
Title: Re: Su'aal: Finan xanuun badan oo kasoo baxo....?
Post by: SomaliDoc on February 08, 2016, 05:36:21 PM
Waa nooc allarjiga ka mid ah oo aad ku tahay dharka kugu dhegan, sida kastuumooyinka iyo iskaalshooyinka oo kale, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Contact Dermatitis" waana nooc ka mid ah xanuunak loo yaqaano "Eczema", waxaa u daran huurka.
Dadka qaar waxay allarji ku yihiin waxyaabaha macdanka samaysan haddii ay jirkooda taabato sida saacadaha, katiinadahai yo farraatiga oo kale.
Isku day in aad gashato dhar aan ka samaysnayn Nylon iyo Kotton, marada baatiga oo kale lagama qaado haddii aad ka tolato kastuumo oo kale, iskana ilaali gorgorodda maadaama ay huurka iyo kuleylka soo jiideyso ayna ka samaysan tahay "nylon".