Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdullahi Nor on February 04, 2016, 05:57:41 PM
-
Ascwr ugu horeyn bahda somalidoc wan idin salaamay salaan kadib waxa jirta canug yar ee aan dhalay sida ay u fiican tahay mar mar ayaa shuban kudhaco iyadoo cunta cunadeeda caadiga ah waana 2 sano iyo 4 bilood hadab maxaa keeni kara? Cunooyinka ilmaha da daas ah aanan lasiin karin majiraan maxaase kamid ah? Maxaase lagu daweyn karaa?
-
Waxaa laga yaabaa in ay dhibsanayso cunno gooni ah, waxaana lagaa rabaa in aad u kuur gashid, mararka ay shubmayso cunnada aad siiso?, waxaa kaloo dhici kara in infekshan caloosha jiro laakiin ah mid aan waynayn, taasoo caruurta lagu arko in ay shubmaan mararka qaar, laakiin waa in ay la socotaa cunno xumo.
Da'daas markay caruurta jiraan way la cuni karaan qoyska wixii jilicsan, laakiin ma jiraan wax gooni ah oo ka mamnuuc ah.
Haddii ay arrintaan soo laalabato fadlan baari saxarada si loo ogaado haddii ay wax jiraan.