Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hirabey on February 09, 2016, 05:32:09 PM

Title: Su'aal: Bogga dhinaca midig oo xanuunaya?
Post by: Hirabey on February 09, 2016, 05:32:09 PM
Asc , waan idin salaamey dhakhtara sharafta leh .
Su'aasheydu waxey tahay : muddo sanado ah ayaa waxaa I xanuunaya bogga ( halka labada dhinac ee feeruhu Ku kala leexdaan ) wax yar kahoose oo dhinaca midig ah , dhowr mar dhakhtaradu waxey dhaheen waa gaas , laakiin baaritaanadu way iska koobnaayeen . markaa adinkoo mahadsan waxaan idinka rajeynayaa wixii fikrad ah iyo taladiinaba .
   M A H A D S A N I D I I N.
Title: Re: Su'aal: Bogga dhinaca midig oo xanuunaya?
Post by: SomaliDoc on February 14, 2016, 03:37:00 PM
Waxa ugu badan ee keeno waa cudurka gaaska, iska fiiri in aad leedahay astaamaha kale ee la socdo cudurka gaaska adigoo akhrista qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)

Waxaa kaloo keeni karo haddii beerka ama xameetida ay jiran tahay.
Akhriso xanuunka Xameetida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html)
Akhriso xanuunka beerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html)