Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yaasir Yare on February 10, 2016, 09:03:35 AM

Title: Su'aal: Ciridka o dib u durka ama go'a?
Post by: Yaasir Yare on February 10, 2016, 09:03:35 AM
     A   S  C   bahda somalidoc marka hore waxaan idinku mahad celinaya adeegyada aadka ufiican ee aad uhaysaan bulshada somaliyeed
           waxaan ahay akhriste kuxidhan page kalana socdaa hadba mawduuca laga hadlayo su'aasha aan qabo in hore loga hadlay garan maayo
            oo waan firiyay balse arki wayay lknse hada waxaan jeclaan laha inaad iga soo jawaabtan.
          ciridka ayaa dhawac iga gaadhay mudo hada laga joogo 10sano ciridkina wali dib uma so noqo hos buu usi fadhmaya isaga ku faafaya
           ilkaha hose odhan markaa waxaan jeclaan laha inaad isheegto xal aan kudaweeyo iyo waxa sababaya  dhowr jeer o hore dhakhtaro wan
           kala tashay balse antibiyotik iyo vitamin b complex bay ii qoreen waxna iskama kay badelin

             MAHADSANID TEAM SOMALIDOC
Title: Re: Su'aal: Ciridka o dib u durka ama go'a?
Post by: SomaliDoc on February 15, 2016, 04:24:53 PM
Ciridka waxyaabaha booskiisa ka durjiyo waxaa ka mid ah infekshanka ku dhaco ciridka loona yaqaano "Gingivitis", waxaa kaloo ka mid noqon karo dhaawaca iyo jugta gaarto ciridka, hadduu ciridka dhaawac dartii ku durqay, waxaa haboon in aad la xiriirtid dhakhtar ilko si loo arko iyo haddii la xoojin karo ama booskiisii lagu soo celin karo.

Haddii uu durqay infekshan ahaan, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html)