Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Pheisal Abdull on February 10, 2016, 09:27:54 PM
-
ASC Dhakhaatiirta sharaf leh ee soomaaliyeed.
Salaan kadi, ugu horeeyn waxaan u mahad celinayaa allaha weeyn ee inoo suurta galiyay in halkaan aad noogu haysaan hoowl muhiim ah loona baahnaa., marka xigtana adinka. Ajar aan la koobi karina allaha idinka siiyo.
Markaan usoo daadago su'aasheeyda.
Dr, haddi ninku uusan lahayn cilad xaga galmada ah uusana dhib ka haysan xaga kacsiga balse dhibku yahay biyaha oo in ka yar daqiiqad kusoo dagdag ayagoo aad dareemayso in ay badanyihiin,
sidaa darteedna aadan sii wadi karin isla waqtigaas marka laga reebo inaad in saacad ku dhow nasato misna sidii oo kale dhacdo.
Taasoo runtii murugo ka badan mida haysta marwada ay ninka qabsato iyo walwal ah waxba ma qancin kartid.
Dhibka noocaas ah qofka leh maxaa la gudboon uu sameeyn karaa? Maxaase u daawo ah, maxaase sababi kara??
Aaad baad y mahadsantihiin.
-
Cillada biyo-baxa degdega ma ahan wax la xiriiro hami yarida iyo kacsi la'aanta, waa cilald sideeda u taagan.
Akhriso qoraal ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html)