Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo20 on February 15, 2016, 11:05:38 PM

Title: Su'aal: Ilmaha aan uurka ku korin?
Post by: Raaliyo20 on February 15, 2016, 11:05:38 PM
Asc waxan raba in aan waydiyo Dr waxan ahay hooyo somaliyed marki igu horaysay en uur qaday dhakhtaradu aad bay xaladayda ula socden oo waxay igu yirahden ilmaha caloshada ku jira ma korayo aad ayu misankisu u yar yahay markan marayey 7 bilod waxay goan ku garen in dibada loso saro oo bananka lagu koriyo wa lay qalay ilmihina bananka loso saray oo dhalo ba lagu koriyey. waxan su alay in wax dhibato ahi jirto oo xagayga ku sabsan maya bay dhahen. alxamdulilaah ilmihi wa i koray muda ka so waregtay hadana ilmo kale ban qaday markan marayey 6 bilod bay yirahden hadana ilmahani aad ayu u yaryahay mana ku korayo calosha oo cuntadi iyo nafaqadi logu talo galay in madhertu garsiso banay garsinayn ee wa in bidada loso sara ilmihina sidasa dibada lagu so saray oo dhalo la galiyey inti u ka garayey xiligi dhalan laha. waxan su alay dhakhtaradi waxa sababaya ma minkayga ama makankayga ba dhibato ka jirta oo sababaya maya dhehen ee madhertan cuntadi iyo nafaqadi garsinayn. marka waxan garan wayey waxa u yahay arinkasi in dakhtarku i shego ban raba ina sharaxo waxa sababaya iyo waxa lagaga gudbi karo ano arinka ka war warsan. xita markan uurka leyahya laygama garto oo caloshayda qof uur leh uma eki. aad bad u mahadsan tihin waxan rajaynaya in aan jawaab idinka helo iyo talo sinba.
Title: Re: Su'aal: Ilmaha aan uurka ku korin?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2016, 05:41:09 PM
(http://somalidoc.com/Topics/korriimo.png)

Waa arrin jirta, waxaana xaaladaan loo yaqaanaa "Placental Insufficiency", waa mandheerta oo aan u gudbinayn nafaqada uurjiifka u baahan yahay sidii loogu tala galay, taasi waxay keentaa in uurjiifka uu kori waayo, in laga dareemo in dhaqasku dhibayo ama wadna garaaciisu uusan dabiici ahayn iyo in foosho hadhow ku dhibaatootid oo cunuga u adkaysan waayo soo saarista.

Maxaa keeno Howlgabk mandheerta?
Waxay mandheertu ku howl gabi kartaa dhowr xaaladood oo kala ah:

Hooyadu waxba ma dareento markii ay xaaladdaa jirto, dhakhtarka ayaa arko markii ultrasound hooyada la saaro oo la fiiriyo korriinka uurjiifka.

Sidee loo xalliyaa arrintaan?
Go'aan ka gaarista xaalada hooyada waxay ku xiran tahay baaritaanka waxa ka soo baxay, xaalada uurjiifka uu ku sugan yahay, xilliga uurka ay marayso hooyada iyo haddii ay jiraan cilaldo kale sida dhiig-kar ama macaan.

Waa la sameeyaa sida ay hadda dhakhaatiirta sameeyeen haddii loo arko in cunuga uusan xaaladaas ku sii noolaan karin ama ku kori karin.

marmarka qaarne waa la sugaa haddii uurkaagu uu dhaafay 37 usbuuc, uurjiifkane aysan ka muuqan dhibaato xoog leh.

Sidee looga hortagaa arrintaan?
Waa in ay hooyadu heshaa cunno nafaqo leh.
Waa in hooyadu dhiigkarkeedai yo sonkorowgeeda la kontaroolaa
Waa in ay hooyadu joojisaa sigaar cabista iyo mukhadaartka.
Waa in ay hooyadu joojisaa haddii ay qaadato daawooyin dhibkaan keeni karo.

Haddii intaasba aysan jirin waa sida aan ka filaayo xaalaada, cilladaane ay soo laabatay hal mar ka badan, waa in hooyada lagu sameeyaa baaris cillad xinjiroobis oo ay is arkaan dhakhtar "hematologist" ah maadaama ay jiraan xanuuno keeno arrintaan, waxaana ka mid ah xanuun aan horay uga hadalnay oo loo yaqaano "Antiphospholipid syndrome" oo haweenka soomaalida uurka ka dilo, warbixin badane loo haynin, Akhriso waxa uu yahay xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1897.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1897.0.html)

Way dhacdaa marmarka qaar in dhakhaatiirtu ay garan waayaan cillada dhabta ah waxa ay tahay, waxaa kaloo suura gala ah in safiican loo baari waayo arrintaan haddii aad ku nooshahay meel aan laga helin baaritaannadan.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)