Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qofcilmijecel on February 16, 2016, 06:14:42 PM

Title: Su'aal: Nin dhalinyaro ah oo hadane bidaar ey gashay?
Post by: Qofcilmijecel on February 16, 2016, 06:14:42 PM
Doctr: waxaan ahaa nin dhalinyaro ah oo hadane bidaar ey gashay isagoo 22 jir ah..  waxaan u tagay dhakhtar ku takhasusay tinta.. wuxuu i siiyay shampooyin careemo iyo kiniini  La yiraah "finpecia" alxamdulilah  2 bilood gudohood tinteydii wexey ku noqotay sidii aan rabay ...   lkn waxaan dareemay xoogaa madax xanuun iyo xanaaq aanan horay u arki jirin..  marka dhakhtarkeygiyow waxaan kaa rabaa in aad wax iiga sheegtid daawooyinkan iyo in ey leeyihiin side effect...   waad mahadsantahay in badan  asc
Title: Re: Su'aal: Nin dhalinyaro ah oo hadane bidaar ey gashay?
Post by: SomaliDoc on February 24, 2016, 02:16:02 PM
(http://somalidoc.com/Topics/daawobidaar.png)

Waa daawo jirta oo la yaqaano, magaceeda saxdane waxaa la dhahaa "Propecia" waxaana loo adeegsadaa badanaa ku daaweynta bararka qanjirka bostaatada iyo bidaarta ragga gasho ee loo yaqaano "Androgenic Alopecia"
Inkastoo bidaarta loo qaato laakiin isbadalka la filo waxay la egtahay boqolkiiba 30%, waana in ugu yaraan 6 bil la qaaato si isbadalka loo arko, waana in daawada la joogteeyo muddo, maxaa yeelay markii la istaajiyo bidaartii dib in ay u billaabato ayaa la arkaa.
Sidaas awgeed dhakhaatiir badan ma u isticmaalaan daawadaan ku daaweynta bidaarta, haddii ay isticmaalayaane waa in loo sharxaa bukaanka waxyeelalda uu filan karo si aysan hadhaw dhibaato u imaan.

Waxyeellada ay daawadaan keento waxaa ka mid ah:

Shirkaddu waxay kaloo ku sheegtaa waraaqadda daawada la socoto in aad dareemi kartid waxyeello aan halkaa ku xusnayn sidaa awgeed waa in aad la xiriirtaa shirkadda si ay kuugu hubiyaan in waxyeelladaas ay u liis garaysan tahay.

Waa daawo hormoonka qofka saamayn ku lah, waana sababta loo dareemo waxyeellada kor ku xusan oo u badan xagga ragannimada.

Hooyooyinka uurka leh ama uurka qaadi rabo waxaa lagula taliyaa in aysan daawadaan gacmahooda ku taaban iskaba daa in ay cunaan.

Waxay kaloo shirkadda daawada leh ay sheegtay in daawadaan markaa joojisid aad sii dareemi doontid waxyeellada la xiriirto xagga kacsiga iyo biyo-baxa.

Akhriso noocyada bidaarta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5726.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5726.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)