Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaluun on February 17, 2016, 07:11:31 AM
-
Doctors salaan ka dib waxaa dhib wayn igu haya biya baxa habeenkii riyo ama marar ka qaar riyo la'aan ku yimaada, waxaan arintan ka cabanayaa ilaa 5 sano walina ka ma bogsan oo isbuucii waxay igu dhacdaa 3-4 jeer.. dhib ma u leedahay caafimaadkayga iyo koriinka jirka gaar ahaan lafahayga inta ay igu dhacaysay arintan ma arag koriin badan oo xaga lafaha ah. Ma keentaaa shahwda oo soo dag dagta xiliga guurka xalaasha ah ..hada ma ihi qof xaas leh ......jwb mahadsanidiin.
-
Wax xiriir lama lahan korriimadaada iyo caafimaadka mustaqbalkaaga, saameynne kuma yeelanayso galmadaada mustaqbalka marka aad guursato insha'llah.
Waa arrin dabiici ah, dadkane way ku kala duwanaan karaan.