Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibrasuuley on February 17, 2016, 11:30:21 AM
-
Asc waa idin salamay dhamaan bahda website-kan salan kadib waxan inaan idin su aalo
maxaa keena cambaarta ama qolof qolofta cad cad oo yeelata labada cajar inta udhaxeysa
-
Cambaarta waxaa lagu dhahaa af-ka ingiriiska "Ring worm" ama "Tinea" waxaana keeno jeermiska fangaska, waxaana lagu daaweeyaa fangas dile loogu tala galay, laakiin dadka badanaa canbaarta waxay ku qaldaan xanuuno badan oo uu ka mid yahay xanuunka "Eczema" oo xanuun maqaar oo qaab xasaasiyad camal ah u bilawdo.
Cambaarta waxay ka soo baxdaa meelo kala duwan ee jirka ah, korka, tinta, cidiyaha iyo meelo kalaba.
Fadlana hubi xanuunka aad tilmaantay inuu canbaar yahay, waxyaabo badan ayay isku ekaan karaan, fadlan la xiriir dhkhtar cudurrada maqaarka ah.