Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu caaisha on February 17, 2016, 03:37:26 PM

Title: Su'aal: Waxaan ahay dumarka uurka ku caatoobo?
Post by: Umu caaisha on February 17, 2016, 03:37:26 PM
Asc dr waan ku salamay waxan rabaa inaa su.su.al iga shaafiso. .waxan ahay dumarka uurka .ku caatoobo waliba dhiig .yari aan isku arkaaa wax nafaqo leh xataa wa iska ilaalsha babaraf iyo wax qabow xataa ma cabo hadana ilmaha calosha we ku dhax koraan ..afar kilo iyo bar aan kudhalaa. Maxay tahay sababtas? Waxa jira dumar wax walbo oo nafaqo leh cuna  hadana  caruur laba kilo ama sadax kilo dhalo...su.aasha labaad  hormonka caanaha diyariyo habenki miya zaid u diyĆ rsha mise maalintii macnaha habenki caanaha naaska hadaan habenki ka dhaafo amuu naaska iga guraaa
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay dumarka uurka ku caatoobo?
Post by: SomaliDoc on February 19, 2016, 04:02:30 PM
Way jiraan hooyooyin sidaan ah oo iyagu uurka ku caatoobo, ilmuhuna ay ku koraan, waana arrin dabiici ah, hadduusan qofka xanuun qabin sida macaanka, haddii hooyadu qabto sonkorow ilmuhu way ku waynaadaan iyadane way ku baaba'daa.

Midda kale badanaa miisaanka uurjiifka iyo wax cunistaada iskuma xirno waana sababta ay haweenka qaar ua aminsan yihiin, in haddii ay wax badan cunaan in ilmuhu ku waynaanayaan, haddii wax yar cunaane ilmuhu ay yaraanayaan.
Akhriso qoraal ku saabsan ee arrintaan uga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1653.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1653.0.html)

Taladaydu waa in aad heshaa nafaqo iyo cunno kugu filan si aad awood ugu yeelato foosha, midda kale ha is dhihin haddii aad wax cuntid wuu kugu sii waynaa, taasi sax ma ahan.

Midda ku saabsan hormoonka prolectin, soo dayntiisu ma lahan waqti gooni ah oo aad loo soo daayo, waxay ku xiran tahay godladashada hooyada, sida markii ay cunuga nuujinayso oo aad loo soo daayo iyo marka ay codkiisa ama caraftiisa ay maqasho ama ay soo xasuusato xitaa, waa arrin ku xiran xaaladahaas, marka haddii aadan naas nuujin habeenkii oo aad jiiftid, waxba caano kugu xermi maayaan.