Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mo Digdig on February 18, 2016, 08:43:29 AM
-
Assalamu Caleykum!
Dadka Soomaalidu waxay isku daweyn jireen markey jiradaan, dabka, dhirta iyo suunta xoolaha iyo xayawaanka hadey ahaan laheyd, (hilibkooda, caanahooda iyo maqaarkooda). Su'aasheydu waxa ay tahay, hilibka geela oo la shiilay (oodkac) maka qeyb qaataa in qofka markuu jabo lagu kabo oo lagu baaniyo. Waad mahadsantihin SomaaliDoctors.
-
Hilibka iyo caanaha geela waxaa ka buuxo protein u fiican lafaha, waana la badsadaa markuu qofka jabo, akhriso qoraal aan uga hadlay cunnooyinka dadajiso kabniinka lafaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html)
-
Aad ayaad ugu mahadasan thiin jawaabta aad iga siiseen, lkn waxan doonayaa in la ii tilmaamo dhibaatooyin maleeyahay hilib geela haddii hal neef oo geela lashiilo oo hal qof u isticmaalo. Tusaale markii qof jabo waxa loo qalaa neef geela oo buuran kadib waa la ood kacaa wuxuuna cunaa qofkaas mudo sanad ku dhow. Suaashu wxy yahay dhib ma u keenayaa hilibkaas tirada badan oo la cunaayo. Waad mahadsantihiin
-
Hilibka haddii si xadaysan loo cuno wax dhibaato ah ma keeno, laakiin haddii la iska badiyo wuxuu dadka qaar u keenaa xanuun loo yaqaano "Gout" xanuunkaan wuxuu ka dhashaa borotiinka badan ee hilibka laga helo oo jirka fadhiisto khaasatan lafaha kuwa suulasha cagta.
Waa nooc ka mid ah xanuunka lafaha, waxaana xanuunkaan loo aqoon jiray "Cudurkii boqorrada" maadaama boqorradu ay ahaayeen dadka heli jiray hilib saa u badan in ay cunaan, hilibka wuu u fiican yahay korriinka iyo kabsashada lafaha laakiin in xadka la dhaafyio ma fiicno, jirka bini'aadanka wuxuu u baahan yahay wixii ka badan, jirka ayuu ku keydiyaa sidaa ayuu dhibka ku yimaadaa.