Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xireey Xuuriye Dhuxul on February 22, 2016, 11:26:20 PM

Title: Su'aal: Habenki markan riyodo oon subaxa tooso?
Post by: Xireey Xuuriye Dhuxul on February 22, 2016, 11:26:20 PM
habenki markan riyodo oon subaxa tooso waxan isku arka xanuun lafaha faraha ah
Title: Re: Su'aal: Habenki markan riyodo oon subaxa tooso?
Post by: SomaliDoc on March 02, 2016, 12:31:47 PM
Riyada waxaa jira nooc qofka uu la falgalayo waxa uu ku riyoonayo waxaana loo yaqaana "Lucid dream", qofka riyoonayo wuxuu samaynayaa dhaqdhaqaaq, dagaal IWM.
Waxaa dhici karto haddii riyadaada noocaas tahay in aad la soo toostid murqo xanuun, madax xanuun iyo jir xanuun.
Waxaa kaloo jira dad marka ay riyoonayaan sameeyo waxyaabo keeni kara inuu qofka la tooso xanuun meel gooni ah, tusaale ahana adiga farahaa ka sheegatay, marka aad riyoonaysid faraha waxa aad ku samaysid iyo sida aad yeeshid in la ogaado waa muhiim.
Waxaa dhici kara in aad marada aad ku hurudid faraha ku cantoobtid muddo, waxaa dhici karto in faraha aad is dhexgashato ama aad cadaadiso, waxaa dhici karto in aad feertid ama faraha ku garaacdid sariirta ama darbiga aad ag-jiifto, intaasba xanuun waa dareemaysaa.