Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cayuush Omer on February 23, 2016, 07:55:25 AM

Title: Su'aal: Aad bay u hadal badan tahy da'deduna waa 40?
Post by: Cayuush Omer on February 23, 2016, 07:55:25 AM
asc wraxmah suaal( ad bay u hadal badan tahy da'dedu waa 40 melaha mar mar way qaylinaysa sida inay qof ka cararyso o kale waxan uga shakiyay inu hayo xanuunka MANIA (.muxuu yahy xanuunkan? maxase dawo u ah) maxad talo iga siin lahydeen ama an ula tacaali kara qof nocan ah)
mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Aad bay u hadal badan tahy da'deduna waa 40?
Post by: SomaliDoc on March 01, 2016, 03:43:46 PM
(http://somalidoc.com/Topics/waalli.png)

Mania waa xanuun dhimir, waxaana astaan u ah kacsanaan xad walli ah, taasoo qofka jir iyo maskax ahaan u kacsan yahay.



Qofka wuxuu lahaan karaa cudurkaan laakiin isagoo aysan gaarin heerka aan kor ku soo tilmaamay, waxaana loo yaqaanaa "hypomania", wuxuu qofka lahaan karaa astaanta aan kor ku soo xusay laakiin ka daga qofkaas.

Xanuunkaan waxaa la soco karo marmarka qaar murugo iyo niyad jab kaasoo lagu magacaabo "Biopolar mood disorder", tan oo macnaheeda ah in qofka uu marne kacsan yahay marne dansan yahay (faraxsanaan iyo murugo isku dhex qasan), waana cillad ka dhib badan xanuunka Mania-ha kaligiis markii la daawaynayo, halkaan ka akhriso "mania-depression" ama "Biplar disorder": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3855.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3855.0.html)

Xanuunkaan waa in lagala kaashadaa dhakhtar ku takhasusay cudurrada dhimirka, wuxuu u baahanayaa qofka in daawo lagu billaabo, waa xanuun qofka ku daahi karo, waana muhiim in si joogto ah loola xiriiro dhakhtarka.

Waa maxay Depression?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html)
Waa maxay Schizophrenia?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,935.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,935.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)