Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhyaar on February 24, 2016, 09:36:03 AM

Title: Su'aal: Calool fadhi (bishii hal mar)?
Post by: Akhyaar on February 24, 2016, 09:36:03 AM
Ascww, salaam kaddib, gabar aan dhalay 18-jir ah, ayaa hooyadeed waxay iisoo gudbisay inay saxarooto bishii hal mar, aad baan uga naxay, gabadhu ma xanuunsana, oo way iska shaqaysataa, iskuul ayey dhigataa, xogaa tabardarro ah, iyo korriinkeeda oo liito ayaan ku arkaynaa, maxaa keeni kara.

Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Calool fadhi (bishii hal mar)?
Post by: SomaliDoc on March 02, 2016, 12:51:06 PM
Warkaas dib ugu laabo, macquul ma ahan in bishii hal mar la saxaroodo qofkuna uu isak fiican yahay oo uu shaqeesto sida aad tilmaantay.
Akhriso qoraal ku saabsan calol fadhiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,380.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,380.0.html)