Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo20 on February 26, 2016, 02:19:10 PM
-
Asc aad ban u salamaya Dr ilahay ha ka abaal mariyo sida aad ugu helantahay bulshada ee mar walba u bahi tirayso.
waxan raba in aan ku waydiyo su'al DR ilma yar ban haysta ku dhashay 6 bilod hada koray cafimadkisa fican yahay waxa u haysta dhibato ah in aanu cunta iga cunay canan cabay musasad jaqayn marku mudo jirtay 1 sano ee canaha sanka ka sinayey bay dhakhtaradu yirahden hadi anay afki wax ka cunay sanka wa in logu badala in calosha qalin lagaga sameyo oo lo daloliyo halkana tumbo logu xidho oo canaha laga siyo wana la sameyey. afki way xisaynaysa in ay wax ka cunto lkn ma liqayso wax dhibato ah oo ay qabta oo xaga cunaha ah ma jirto wa la badhay waxay yirahden muday qadanaysa in ay cuntada cunto. marka Dr xita canihi dhalada igama cabayso musasada oo ma jaqayso oo way turaysa waxyabaha oo kale ma la kulantay in aad wax iga shegto ban raba hada xanun haya oo aan is leyahya ama dhibato banay wax u cunayn ma jirto. maxa keni kara ama u dawo ah markan dhakhtarada waydiyana waxay leyihin way iska cuni iskana cabi ee wa layska sugi. ana hooyo ban ahay oo aad ban uga warwaraya arinta korinkedana aad bu u hoseya oo wa qof canaha un an in yar aan ku shubayo tumbadeda calosha oon afki wax ku filan ka qabay. Dr wixi talo ah wan ka sugaya aad bana ku salamay khayr Allah ha ku siyo
-
Waxaan filayaa in cunugta ay ku dhalato cillad loo yaqaano "Tracheosophageal Fistula" loona soo gaabiyo "TEF", xaaaladaani waxay tahay in tubada hungariga marto iyo tubada hawado marto in ay isku furan yihiin, wayna dhacdaa, ilmaha markii wax la siiyo way ku sixdaan, sanka ayay ka keenaan, wayna ku cabburmaan, waana halis.
Sidaa darteed waxaa lagula taliyaa in aanan afka waxba laga siinin, cilladaan way dhacdaa in ay iska saxanto oo daloolkaa uu xirmo markii cunuggu uu koro, laakiin qalliin in lagu sameeyo si isku-furankaas loo kala xiro ayay u badan tahay.
Waa qasab in ay jirto sabab cillad ah oo ilmuhu afka wax uga qaadan karin illaa heer in tubo banaanka caloosha laga soo galiyo si loo quudiyo, anigane sida ay iila muuqato xaaladaas ayaan filayaa, wax kalane way noqon karaa, haddii aad ku nooshahay meel aan baaritaano fiican ka jirin, cunugu wuxuu u baahan yahay in baaritaan dhuunta iyo hunguriga mareenka looga sameeyo si loo hubiyo cilladaas iyo haddii cillad kale ay jirto.
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
-
Dr aad bad u mahadsan tahay.ilmihi yara way bareen oo sakay ka galiyeen tumbo yar oo mishin yari ku xidhan yahay 24 sacadood bu ku xidhna oo kolkan wax sinayo ama sexan nayso aan Mel poton ah tabanayo. Kadib 24 sacadod waxay yirahden waxan cuntada u diidaya markay wax cunto wa calosha wax so kacayan ila dhunta macnihi gastari waxay u qoren kinini la yidha Omeprazol Pensa 10mg. Wax is badal ahna ma hayo Dr matag bay ka qaday. Maxad I odhan lahay ilahay khayr fara badan haku siye
-
Baaritaanada lagu sameeyay warqadahooda ma haysaa?