Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on February 27, 2016, 12:31:10 AM

Title: Maxay hurdo kuu qabataa markaa wax akhrinaysid?
Post by: SomaliDoc on February 27, 2016, 12:31:10 AM
(http://somalidoc.com/Topics/hurdoakhri.png)

Qoraalkaan waxaan kaga jawaabi doonaa "Muxuu qofka u hurdaa markuu wax akhriska billaabo?"

Waa cillad ay ka sheegtaan dad badan, waxayna ku timaadaa dhowr arrin oo badankeed khaladku leeyahay qofka wax akhrisanayo, bal marka hore aan ka hadalno sidey hurdada ku timaadaa markii wax la akhrinayo.

QOfka markuu wax akhrinayo, indhaha waxay hayaan shaqo muhiim ah iyagoo sadarrada wax ku qoran indhaha marba dhinac ula raacraaco, tan waxay keenaysaa in maskaxduna ay wixii la akhriyaba isla markii ay macno u yeesho oo ay tarjunto, hadduu qofka sidaa ku wadan dhowr daqiiqood, indhuhu way daallaan oo maskaxdu waxay faraysaa si indhuhu u nastaan in la isku qabto, halkaan ayuuna qofka hurdo ku galaa, khaasatan hadduu qofka uu daallan yahay ama sariir wax ku dul akhrinayo.

Waa maxay khaladaadka la sameeyo oo hurdada soo dadajiyo markii wax la akhrinayo?

Sidee looga fogaadaa hurdada xilliga wax akhrinta?

Haddii ay jirto talo dheeraad ah oo aad tijaabisay oo wax kuu tartay nala wadaag.
Akhriso qoraal ku saabsan Hurdo Cuslaanta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4151.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4151.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: