Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on February 27, 2016, 02:48:06 AM
-
as walaahaye ga waxaa iga xanuunsan xaaskayga waxaa laga hayaa garabka bidix dushiisa marka loo daliigana waa roonaataa gacanta bidix meesha eey garabka ka gasho waaye xanuunka iyo lafta carjawda ah ee gacanka ka sareeysa xanuunka wuxuu soo biloowday mar eey dhashay caruur mataano ah oo hada laga joogo 6 bil hada xanuunkii wuu faafay oo qoorta ayeey ka dareemee qabowgana markeey dareento waa ugu daran yahay habeenkii ayuuna timaadaa xitaa boga ayaa ila xanuunaya ayeey leedahay bal talo nasiiya jazaakumulaahu khayr
-
Meesha ay ka sheeganayso waa kalgoysta garabka gacanta ka gasho, waxaana dhici karo in xanuun kalabaxaas ku dhacay uu jiro sida roomaatiisamka ama seedaha isku hayo kalabaxaas inay wax ka gaareen marka ay foolanaysay.
Waxaa habboon in meeshas laga saaro raajo ama scan si loo ogaado in ay cilladi jirto, waxayna u badan tahay in cilladu ay seed tahay ama muruq sababtuna waa in ay fiicnaan dareento markii la daliigo.