Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilias Abdi on February 27, 2016, 12:35:54 PM
-
Asc doctor salaan kadib
Suashyda waa: dad badan ayaa jiro marka ay qufacaan khakhada liqo marka waa maxay sameenta cafimaad ay leedahay khaakhada in LA liqo
Maxase faqri u dhaxeey dadka liqo iyo dadka tufo
Jazakallah ...,Alla mahadleh
-
Khaakhada ama xaakada la liqo caafimaadka uma roono, khaasatan hadduu qofka qabo cudurka Tb-da, maxaayeelay jeermiska Tb-da keeno wuxuu u gudbi karaa caloosha, halkaas ayuuna ku abuuri karaa TB-da caloosha ku dhacdo.
Laakiin xaakooyinka kale ee aysan keenin TB-da, badanaa aashitada caloosha ayaa jeermiska ka disho, laakiin hadduu qofka qaato dawo yarayn karta acid-ka calosha, bakteeriyadaas iyadane caabuq ayay ku abuuri kartaa caloosha ama mindhicirrada.
Xaakadu waa wax jirka iska soo saaray in lagu celiyane caafimaad iyo nadaafad ahaanba waa khalad.