Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Omarmohamed on February 27, 2016, 06:30:08 PM
-
Asc waxan rapay in layga jawaabo waxa keena dhgxanta xamaytida fadhiistaan? Siday ku yimaadeen iyo daweyntooda? Iyo hdy dhici karto in ay xanuuno iyo cuduro kale ku soo hoos ganban karaan xamaytida oo dhagax fadhiistay?
Mahadsanidiin
-
Xameetida waxaa ku samaysma dhagaxaan, kuwaas oo badankood ka samaysma maadada kolestaroolka oo ka tirsan dacarta lagu kaydiyo xameetida, waxaa dhici karta in xameetida ay infekshan sideeda u qaado ama in dhagax ku samaysmo kan oo ay dhici karto inuu dhaawac gaarsiiyo darbiyada xameetida gudaha ama inuu isku xiro tan oo keenayso in dheecaankii ku xaraysnaa uu ku xannibmo.
Halkaan ka akhriso caabuqa xameetida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html)
halkaan ka akhriso qalliinka xameetida lagu sameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1425.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1425.0.html)
Way dhici kartaa hadduu dhagaxu yaryahay in dhakhtarku kuu qoro daawo dhagaxaas burburin karto, laakiin hadduu wayn yahay ama tiro badan yahay ama infekshan iyo dhagax isku qaaday xameetida, taladu badanaa waa qalliin lagu saarayo xameetida.
Hadduu dhagax xameetida ku soo laalaabto dhowr jeer waxay dhakhaatiirta ku taliyaan in la saaro maxaayeelay waxaa badanaayo halista inay kansar qaaddo.