Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaybeyare on March 03, 2016, 01:45:26 PM
-
Asc Dr'e. Aad iyo aad baan kuu salamaya marka hore.
Qanjidhadda qoorta aya ixanuuna mararka qaar iya goo keena barar. Dusha ayanay iga bararaan.
Wa mudo sanado ah.
-
Waan in la ogaadaa waxa qanjirada barariyay, maxaa yeelay qanjirku hadduu bararo wuxuu astaan u yahay inuu jirka jiran yahay, wuxuu noqon karaa infekshan kaasoo dhowr nuuc oo kala duwan noqon karo wuxuu noqon karaa cillad qanjirrada haysato sida kansar iyo wax la mid ah, xanuunka tiibiida oo loo yaqaano "Gondhalaariyo" ama caabuq bakteeriyo caadi ah, marka waxaa la sameeyaa in qanjirka cad laga jaro oo baaritaan loo diro ama dheecaan laga qaado hadduu dheecaan leeyahay, akhriso cudurka gondhalaariyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html)