Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ciiltire on March 04, 2016, 12:24:25 PM

Title: Su'aal: Wadnaha oo Balaadha?
Post by: Ciiltire on March 04, 2016, 12:24:25 PM
SC Dr. Abdullahi M. Mahdi. runti adban kaga mahad celinaya sidad noga bahi tirti jahliga caafimadk Allah haka Abal mariyo.
Dr. sualban raba inad iga faaloto ado mahadsan,: maxa kena in wadnaha qofku Balaadho ama ka waynado heerkisi hore, maxa keena ama sababa in wadnuhu balaadho, side ugu fudud e lo dawayn kara?
Mahadsanid
Allah haka abal mariyo
Title: Re: Su'aal: Wadnaha oo Balaadha?
Post by: SomaliDoc on March 13, 2016, 09:01:00 PM
Wadnaha oo balaadhto waxaa keeno dhowr shey, cilald ka timid murqaha wadnaha, cillad ka timid xididada wadnaha ama cillad ka timid xoog u shaqaynta wadnaha ama cillad ka timid duleelada wadnaha intaba, wadnuhu way barariyaan, wadnuhu markuu bararo wuxuu keenaa xanuun howlgab.
Sida loo daaweynayo waxay ku xiran tahay waxa barariyay wadnaha in la ogaado.
Akhriso qoraal aan uga hadlay howlgabka wadnaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,520.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,520.0.html)