Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdiqadir on March 06, 2016, 09:51:17 AM

Title: Su'aal: Ilmo yar oo bil jira oo wali xundhurtii bogsan?
Post by: Abdiqadir on March 06, 2016, 09:51:17 AM
marka hore waan idin salmaayaa  waxaan doonayaa inaan idin weydiiyo ilmo yar oo bil jira oo wali xundhurtii bogsan la'adahay si ay u bogsato ma loo isticmaali karaa wax daawo ah si ay u bogsato? jasaaka laah qayr.
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo bil jira oo wali xundhurtii bogsan?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2016, 12:58:02 PM
Waa in qoyaanka laga ilaaliyaa iyo huurka, fadlan baambariska ama xafaayada markaa u xiraysid ha daboolin xudunta, waa sababta ugu horrayso ee u bogsan wayso, haddii dheecaan leedahay ama qoyaan waa in daawo al isticmaalaa ee la xiriir dhakthar caruur.