Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dirsame on March 06, 2016, 02:33:33 PM

Title: Su'aal: Biyaha Sifaysan iyo kuwa tuubada?
Post by: Dirsame on March 06, 2016, 02:33:33 PM
Asc.
Dr. Waa maxay farqiga caafimaad ee u dhexeeya biyaha sifaysan iyo kuwa tuubada.?

Jazaakallaahu khayr.
Title: Re: Su'aal: Biyaha Sifaysan iyo kuwa tuubada?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2016, 05:12:04 PM
Biyaha gadacaysan waa dhowr nuuc, qaar sideedo ayaa loo soo xiray markii jeermiska laga dilay, qaarne waxaa lagu soo daray daawo sifeeye ah, qaarka kalane waxaa la farsameeyay macdanta ku jirto iyadoo al kordhiyay ama la yareeyay.

Laakini ahmiyaddu waa laba shay in aad ka fiirisid biyaha gadacaysan, in ay ku qoran tahay "Natural" water oo ah biyo dabiici ah iyo in macdantu ku jirto ay "Stable" tahay oo aan la soo farsamayn, wixii ka soo haray adigu ma fahmi kartid sida gasaca ay ku jirto noociisa inuu yahay mid dhib u keeni karo biyaha ku jiro iyo in kale iyo in biyaha jeermis laga soo dilay.

Sidaa awgeed haddii aad heli kartid biyo dabiici ah oo nadiif ah, waad cabi kartaa inkastoo hadaba biyaha tubooyinka laga cabo badankood la soo raaciyo biyo-sifeere sida koliriinta oo kale.