Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed4 on March 08, 2016, 07:52:19 AM
-
ASC, marka hore waxaan u mahadcelinaya dhakhaatirta page-kan ee juhdiga gelisay caawinta dadkooda aad baad ugu mahadsantihiin , ilaahay ajar badan ha idinka siiyo.
Su'aal:
Dr. ilaa lix sano ka hor baa waxaan isku arkay wax aan umaleeyay #Cambaar oo igaga dhacday labada #Kilkilo &xaga hoose ( xiniyaha) muddo kadib ayan dhakhtar tegay wuxuu isoo qoray buumatooyin cambaar waan ku yara ladnaaday, lkn markale ayay dib iigu soo noqotay waxaana isku haya cun-cun iyo is xoqid, Dr. maxa u daawo ah, maxay saamayn ku yeelan kartaa, aniga, xaaska &caruurta dhalanaysa?
mahadsanid.
-
Xanuun kala duwan ayaa keeno wax cambaarta u eg, soomaaliduna kulli cambaar ayay u wada taqaanaa, fadlan dhakhtar cudurrada maqaarka u tag si loo ogaado meelaha aad tilmaantay.