Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Somaliahanolato on March 14, 2016, 09:39:28 PM

Title: Su'aal: waxaa isku arkay markaa ordo ama rugucleeyo xiiqid?
Post by: Somaliahanolato on March 14, 2016, 09:39:28 PM
Asalaamu Calaykum Wa Raxmatulaahy Wa Barakatuh.
Iskawawarama dhakhaatiirta sharafta leh iyo dhamaan Somaaliweyn. Waxaa idiinrajaynaya caafimaad nabad iyo burwaaqo.

Waxa raba si kooban inaa dhakhaatiirta weydiyo. Waxaa ahay wiil dhalinyar ah 26 jirsadey Allah mahadii waa caafimaad. Waxa isbucii 5 jeer ku alamiteya GYMka.
Laakin waxaa isku arkay markaa ordo ama rugucleeyo xiiqid ama neeftuur xooggan waxaana la socdo xiiqida xab badan oo feeraha kasoo ko'ayo.

Markaa Dr. Arintan ma caafimaad daraa mise waa arin caadi ah ?

PS: yaraantey 15 sano ka hor xiiqda (asthma) waa qabi jirey laakin waa ka caafimaaday.
Title: Re: Su'aal: waxaa isku arkay markaa ordo ama rugucleeyo xiiqid?
Post by: SomaliDoc on March 26, 2016, 02:09:53 PM
Jimicsiga wuxuu ka mid yahay, waxyaabaha kiciyo xiiqda khaasatan hadduu qofka leeyahay taariikh neef isaga ama qoyska.
Ka akhriso halkaan, waxyaabaha kale ee kicin karo neefta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)