Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on March 14, 2016, 09:58:28 PM

Title: Su'aal: Markii aan qudbad jeedinaayo?
Post by: Ashom on March 14, 2016, 09:58:28 PM
Waxaa qabaa cilad ah
Markii aan qof u sheekeeyo mudo dheer 20daqiiqo ama 15 daqiiqo Oo joogto ah in aan dhuunta Ka dareemo taabasho ama wax hadal Ka dhan igu celinaa Oo codku daciifaayo iiiix iiix hadaa dhaho xitaa in aan amuso mahane  Oo xitaa qunfac abuuraayo Oo aan indha ha xitaa biyo Ka keenaa mar mar  sidii sixashada Oo kale lkn weey igala duwan tahay .Arin kaas waa maxaay Dr re?
Title: Re: Su'aal: Markii aan qudbad jeedinaayo?
Post by: SomaliDoc on March 26, 2016, 02:18:56 PM
Cilladaan waxay ku badan tahay dadka cillada ka qabo xubnaha codka soo saaro sida "epiglottis-ka" iyo qulaanqulyaha "Larynx" inuu infekshan kaaga jiro ama nabro ku yaalleen ama murqaha ay dabacsan yihiin intaba way keentaa, waxaa arintaa kaa caawin karo dhakhtar E.N.T oo ku taqasusay cudurrada dhegaha, sanka iyo cunaha ee la xiriir.