Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: SomaliDoc on March 19, 2016, 05:11:41 PM

Title: Su'aal: Ragga guursado gabdhaha ka yar iyo Caafimaadka?
Post by: SomaliDoc on March 19, 2016, 05:11:41 PM
(http://somalidoc.com/Topics/odayguur.png)

Su'aal la iigu soo diray Facebook-ga ayaa waxay leedahay sidatan: Maxaa ka jiro in ragga u guursadaan dumarka yari si ay dhalinyaro u noqdaan ama caafimaad uga helaan?!, arrintaasi ma wax caafimaad ahaan jiraa mise waa sheeko xariir?!

Haddii aan isku dayo jawaabta arrintaan, waxaan aaminsahay in sheekadaan ay timid wixii ka dambeeyay sanadkii 2007, markaasoo ay cilmibaarayaal u dhashay dalka jarmalka, finlad iyo Ingiriiska ay soo daabaceen cilmibaaris ay ku sheegeen in ragga guursaday haween ka yar ay ka caafimaad fiicnaadeen ragga kale, caafimaadkaan oo ka qayb qaatay in noloshooda sii socoto iyagoo ka badbaaday xanuuno keeni lahaa caafimaad darro haddii ay guursan lahaayeen haween ka waawayn..!!

Marka hore cilmibaaristaan waa nooca loo yaqaano "Obsevational Study" oo ah cilmibaaris ku dhisan u fiirsasho iyo falaanqayn ka timid isbarbardhig tiro xaasas ah oo la isku fiiriyay farqiga da'da lamaanayaasha iyo isbadalka caafimaad ee noloshooda, marka lama dhihi karo waa cilmibaaris sheybaar ku dhisan oo way qaldami kartaa.

Intaa ka dib, waxay kaloo cilmibaaristaasi lagu arkay in haweenka guursaday rag ka waawayn in ay ka caafimaad yaraayeen haweenka guursaday rag isku fac yihiin, marka faa'idada ay tilmaameen waa mid ragga kaliya ku ekeyd.

Waxay kaloo diraasadani sheegtay in raga rabo inay caafimaadkaan helaan ay guursadaan haween ka yar 15 illaa 17 sano!.

Maxay ahayd asbaabta ay sheegeen in ay keentay caafimaadkaas iyo dareenkaas dhalinyaranimo ay raggaasi dareemeen?

Waxaa kaloo xusid mudan in diraasadaan lagu sameeyay shacabka ku nool dalka Denmark oo idil inta u dhaxaysay sanadkii 1990 illaa 2005, halkaasne laga qiyaas qaatay.

Intaas kadib, haddii aan ra'yigayga ka dhiibto arrintaan:

Marka taladayda waa in aad ku dadaashaa in aad xaaskaaga la yeelatid nolol cusub oo ku dhisan isfahan, kalgacal, islaqaybsi faa'ido iyo dhib intaba, tani waxay guriga ka dhigtaa mid farxad iyo kalsooni ku dhisan, caruurtiinane waxay ka helayaan faa'ido dhaw iyo mid fog intaba.

Dadka xiisaynayo in ay diraasadaan akhristaan, waxay ka heli karaan link-gaan: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC2412947/ (http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC2412947/)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Ragga guursado gabdhaha ka yar iyo Caafimaadka?
Post by: KamaalYare on March 20, 2016, 01:15:13 PM
Sh. Maxamed Axmed Rooble AUN ayaan maqlay isagoo ka hadlaya in aanan ragga waaweyn gabdhaha yar yar la siinnin, illeen shiirkiisa gabowga ah uma dul qaadan karaane (iyo qaab darrada kale ee Oday dhacay lagala kulmi karo), wuxuu ka hadlayay nikaaxyada qaar, Shiekhu wuxuu soo qaadtay ragga ayagoo dhacay (duqoobay) haddana raadinaya gabdho yar yar oo ka yar 20 sano, markaas wuxuu ku macneeyay iney rabaan inuu kusoo noqdo (jirkiisii jilcay uu usoo dhalin yaroobo). Marka arrinta ah duq dhacay (duqoobay) inuu isku soo celiyo gabdho yar yar sheeko soo jireen ah ayey aheyd, oo Sh. Boqol Soon muxaadaraas wuxuu aqriyay around 1991-1993 haddeysanba ka horreynin.

Mahadsanidiin bahda SomaliaDoc.
Title: Re: Su'aal: Ragga guursado gabdhaha ka yar iyo Caafimaadka?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2016, 03:39:25 PM
Waa sax, waa arrin soo jireen ah in odayadu ay dhihi jireen mar hore laakiin waxaa dib u soo cusboonaysiiyay qoladaan sheegtay inay cilmibaaris ay sameeyeen ku ogaadeen inay faa'ido ragga ugu jirto inay guursadaan gabdho yaryar!.