Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aniita123 on March 22, 2016, 09:27:43 AM
-
Asc waa maxay cudurka maqaarka ku dhaco ee cambaarta
Dr dhowr jeer ayuu iigu soo noq noqday waxaana leygu yiri waa bahal caloosha ku jiro oo jirka kasoo dhex muuqdo marka maxaa. Lagu daweeya
Thnkz
-
Cambaarta waxaa lagu dhahaa af-ka ingiriiska "Ring worm" ama "Tinea" waxaana keeno jeermiska fangaska, waxaana lagu daaweeyaa fangas dile loogu tala galay, laakiin dadka badanaa canbaarta waxay ku qaldaan xanuuno badan oo uu ka mid yahay xanuunka "Eczema" oo xanuun maqaar oo qaab xasaasiyad camal ah u bilawdo.
Cambaarta waxay ka soo baxdaa meelo kala duwan ee jirka ah, korka, tinta, cidiyaha iyo meelo kalaba.
Fadlana hubi xanuunka aad tilmaantay inuu canbaar yahay, waxyaabo badan ayay isku ekaan karaan, fadlan la xiriir dhkhtar cudurrada maqaarka ah.
Akhriso cambaarta madaxa ka soo baxdo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1682.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1682.0)