Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdinur1978 on March 23, 2016, 06:01:04 PM

Title: Su'aal: Walwalka caloosha?
Post by: Abdinur1978 on March 23, 2016, 06:01:04 PM
Acw Dr marwalba oo aan dhib yar la kulmo waa walwalaa , waxaan qabaa.Hiatus hernia iyo gaas sidaas darteed xataa haddii ballan aan xafiis ka leeyahay ama shaqo helo waan walwalaa kadibna cuntada ayaan ka goaa oo waa xanuunsadaa sidaas ayey shaqada igu gaftaa  muddo 5 sano ah ayey arintaan i heysaa waxaan qaataa  Omeprazole 20 mg laakin wax badan iima taro, sideen walwalka isaga joojin karaa  maxaa xal ah
Title: Re: Su'aal: Walwalka caloosha?
Post by: SomaliDoc on April 04, 2016, 01:45:07 PM
Daawada Omeprazole, dhinaca gaaska ayay kaa saacidaysaa kaliya, laakiin dhibka ugu wayn ee ku heesto waa welweka isagaane gaaska keenayo, ka akhriso halkaan stress-ka iyo gaaska cilaaqada ka dhaxayso iyo sida loo xallin karo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6391.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6391.0)