Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bahja on March 24, 2016, 09:16:44 AM
-
Asc Bahda Somalidoc adaa idinka mahad celinaa.
Suaal: waxaan markaan uur leeyahay oon gaaro 9bilood foosha ma iqabaneeso oo ilaa bisha 10aad fool dhan ma iqabaneeso waxaana dhamaanaayo qoyaaanka cunuga ku dabaalanaayo, waxaaana iiga saqiiray 1wiil inuu caloosha ku jiray kadibna waa la igu Qalay asagoomeed ah aa layga soo saaray, cunugii iigu xigay asna wuu bilo dhafay oo waxa uu gaaray 9bil iyo 25maal mood kadib dhaqtar kii wuxuu igula taliyaaa inanan fool sugin oo uu iqalo si uu cunuga iigu bad bado Ilaaaha wax badbaadiyo kadib waa la igu qalay cunugiina asagoo caafimaad qaabo aale isiiyay
Marka maxaa sababay inan fool dhan iqaban oon waligay iqaban ayadooo bilihiii dhamaan? Mahsanidin
-
Haddii waqtigu kuu saxa yahay, caado wareerne aadan horay u qabin, waxa keeni karo in waqtigaaga aad dhaafto lama oga, laakiin waxaa la arkay in haweenka sidaan noqdo inay badanaa uurka ugu horeeyay xiriir la leedahay.
Waxayna dhakhaatiirta dhahaan, haddii uurka ugu horeeyo hooyada laga fooliyo ama lagu qalo inta aan la dhaafin waqtigii loogu talagalay way saxantaa waqtiga oo ma daahdo badanaa inkastoo aan sababta illaaiyo hadda la ogayn.
Midda kale, war dhacdaa marmarka qaar in hooyadu waqtigeeda dhaafto, laakiin waa la fooliyaa oo marmarka qaar minku wuxuu u baahan yahay kaliya in la kiciyo si uu howsha u bilaabo, qalliin qasab maahan illaa inay cillad kale jirto mooyee.