Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuuryare on March 27, 2016, 12:50:51 AM

Title: Su'aal: Surka ayaa waxaa iga soo baxay hal fiix?
Post by: Nuuryare on March 27, 2016, 12:50:51 AM
A/c dhaam dhakhaatiirta ka qeybgala somalidoc. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsantihiin howsha culus ee aad bulshadiina u heysaan. illaahay darajo sare heydingaarsiiyo Aduun iyo Akhiraba.                  magaceygu waa siciid Dadeeydu waa 33
. xanuun ayaan isku arkey mudo sanadka badan. surka ayaa waxaa iga soo baxay hal fiix kadib waxaan isku arkey iyadoo sii badaneysa waliba aan dhaafsiisaney surka hadana waxay sii marayaan 5 fiix badanaa xanuunka waxaan dareemaa xiliyada aan shaqo qabto ama aan jimicsi sameeyo. kuleyna waan dareema. fiixda 1 aad waxay ka bilaamataa dhegta midig hoosteed waxayna ku dhamataa jeegada intaa u dhaxeyse ayey inta kale kujiraan. mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Surka ayaa waxaa iga soo baxay hal fiix?
Post by: SomaliDoc on April 10, 2016, 11:18:56 PM
Dadku waxyaabo badan oo kala duwan ayay fiix u yaqaanaa, waxa badanaa qoorta ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa Honqor ama Roqor, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2842.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2842.0)
Haddii aysan Honqor ahayn u tag dhakhtar cudurrada maqaarka maadaama waxyaabaha maqaarka ka soo baxo lagu kala sooco aragti.