Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abusalman on March 27, 2016, 09:18:33 PM

Title: Su'aal: Daawada Pregnyl 5000 iu waxtarkeeda?
Post by: Abusalman on March 27, 2016, 09:18:33 PM
Salamullahu Calaykum...
Waxaan aad iyo aad idinkaga  mahadcelinayaa haqabtirka caafimad ee ad inaga haqabtirteen... bogaadin kadib...
Suaashayda waxay tahay,
Gabadha xaaskayga waa 19jir, waxaan is qabnaa muddo 2 sanno ku dhowaad,
Weli Alle naguma arzaaqin owlaad, "Alxamdullilaah"
Sannadki u dambeeyay waxaan mudo marba u tageynay dhaqtar dawo ayu inoo soo qorayay, waan isticmaaleynay dawadaas...
Dhaqtarki u dambeyay waxay ino sheegtay in Hormones-ka LH / FSH xaaskayga u yaryahay. Dhiiiga- caadadana uu qaldamo heer uu gaaro muddo 33 casho ilaa 35 casho.
Waxay inoo soo qortay PREGNYL 5000 IU.
Waxay ina dhahday maalinka dhiiga 5 u yahay  cirbada 1aad ha bilawdo ilaa 5 habeen.
Ilaa 4 xilli caado isticmaal ayey dhahday,
20 cirbado totally?
Marka dhaqtar adigoo mahadsan dawadan faaiidadeda ino sheeg iyo sidee effective u tahay?
1 xilli dhiig caado ayan isticmaalnay... xilliga caadada ee 2aad waxuu dhiiga dib uso dhacay 11 casho. Waxuu ku yimid 38...
Marka Talo waa tii rabbi...
Ee Talo ina sii dhaqtar...
Shukran
Title: Re: Su'aal: Daawada Pregnyl 5000 iu waxtarkeeda?
Post by: SomaliDoc on April 10, 2016, 11:43:15 PM
[img]http://steroids-usa.org/img/p/125-206-large.jpg[/img

Daawadaan waxay ka samaysan tahay hormoonka loo yaqaano "Human Chorionic Gonadotropin", waxaa sida dabiiciga ah laga helaa ibida haweenta uurka leh, waana walxaha laga baaro uurka marka la ogaanayo inay haweentu uur leedahay.

Daawadaan waa cirbad waxaana laga sameeyay walxahaas oo laga soo aruuriyay kaadida haween uur leh, waxaana lag qaataa sinta ama garabka, waxaana lagu daaweeyaa ragga iyo dumarkaba haddii hormoonada ay ku yaryihiin, xaaladaas oo loo yaqaano "Hypogonadism", waxaa kaloo lagu daaweeyaa markii cillad ka jirto bacriminta ama ugxan soo daynta dumarka sida aad tilmaantay, cilladaan oo ah mid gadaal ka timid oo aan ahayn wax qofka ku dhashay.

Way jiraan haween qaar hormoonadooda ku saxmeen daawadaan.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay waad i waydiin kartaa.