Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed100 on March 27, 2016, 09:37:12 PM

Title: Su'aal: Lafaha oo i shanqaraayo?
Post by: Mohamed100 on March 27, 2016, 09:37:12 PM
asc salaan kadib waxan weydin lahaa dhaqaatiirta in shanqar iga yeerto lafta dhabarka iyo dhamaan kuwa gacmaha iyo lugaha waaa cudur noceee daawose maleeyahay
Title: Re: Su'aal: Lafaha oo i shanqaraayo?
Post by: SomaliDoc on April 10, 2016, 11:44:10 PM
Shanqarta laga maqo laabatooyinka waxaa keeni kara riixa iyo roomatiisamka.
Ruugga lafta hadduu dhamaado ama adkaado ama lafaha is cunaan waxay sameeyaan shanqar la maqli karo taasoo macnaheedu tahay dareeryihii lafaha kala ilaalinayay inuu yaraaday ama dhamaaday.
Xanuunka aad sheegeyso wuxuu u egyahay roomatiisamka oo ah kalagoysyo xanuun, iyo lafa xanuun u badan subixa waqtiyada hore kadibna iska baaba'o barqadiii ama duhurradii.

Xanuunnada lafaha baabi'iya way badanyihiin waxaa ka mid ah, Lafo-beelka "Osteoporosis", Riixa "Osteoarthritis" iyo Roomatiisamka "Rheumatoid Arthritis".

Xanuunka wuxuu u badanyahay dadka ka weyn 50 sano oo buurbuuran.

Wixii macluumaad intaa dheer ka akhriso qoraalladaan hoose, lana xiriir takhtar ku taqasusay lafaha:

Kala-goysyo Xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0)
Riixa iyo Burbur Carjaw-laabatada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0)
Lafo Beelka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0)