Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Awo Mohamed on March 30, 2016, 10:39:04 PM

Title: Su'aal: Jadwalkayga cadadu wuxu u dhexaya malinta 23 ila malinta 27?
Post by: Awo Mohamed on March 30, 2016, 10:39:04 PM
Assalamu calykum walalo.  Waxan aad u rabay in la iga jawabo suaal an qabo.  Jadwalkayga cadadu wuxu u dhexaya malinta 23 ila malinta 27 bil wuxu imada 24 bisha kalana 23 marka waxan rabay dakhtar ma waxa dhib ah bu leyahay waqtiga is bedbedlaya cafimad kayga ma sameyn bu ku leyahay.  Takale walal xiliga ovulation dhacayo waa goorma.  Waxan dareema malinta 12 ila dhawr cisho inay ibta nasuhu ii xanunan. Wad mahadsantihin
Title: Re: Su'aal: Jadwalkayga cadadu wuxu u dhexaya malinta 23 ila malinta 27?
Post by: Awo Mohamed on April 10, 2016, 09:07:33 PM
Wallo Wali suashi kamaydan jawabin se dad imka so post garaya lo jawabe pZ IGA jawab.  Hadi cadadydu Mar Mar Malin dhafto sida bisha o ay timi 27 ka danbena 26 ka dabna 24 23 ma dhiba 5 cisho kaliyay iga socta xiliydan kamaso horeyso kamana so dahdo takale xiliga ovulation day waxan darema ibta Nasha oo ii xanuuna ila dhawr cisho tasi cadayn ma u tahay inan ku jiro xiligi ovulation ka
Title: Re: Su'aal: Jadwalkayga cadadu wuxu u dhexaya malinta 23 ila malinta 27?
Post by: SomaliDoc on April 26, 2016, 04:01:57 PM
Arrimahaasi waa caadi wax dhib ahne ma lahan, caadadu maalmo way kala horaysan kartaa wayna kala dambayn kartaa.
Naaso xanuunka oo la dareemo xilliga ugxanta la soo daynayane waa arrin dabiici ah ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6513.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6513.0)

Midda kale ogow, su'aalaha siday u kala horeeyaan ayaa looga jawaabaa, qof loo hormariyo ma jiro, laakiin khaladka aad samaysay ayaa ah in mar labaad aad soo qortay, tan oo keentay in su'aashaadii ay dib u dhacday.