Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaatib on April 06, 2016, 12:59:43 PM

Title: Su'aal: cuqdadnafsiga maxaa keena?
Post by: Kaatib on April 06, 2016, 12:59:43 PM
Asc dhamaan wad salaamantihin dhaqatirta soomalidoc "anigoo ah c.qaadir  c.lashi waxan wataa  sual, taasoo aan rabo inuu taqtarka iga jaahil bixiyo' suaashas oo u dhaceyso sida tan:: cudurka looyaqaan       ??  Prejudicially???ama cuqdadnafsiga maxaa keena ? Daawose maleeyahay? Calaamadihiis maxaa kamid ah?
Suashas ayaa raba inaad iga jaahil bixiso allah ku barakeeyo ditorka .
Title: Re: Su'aal: cuqdadnafsiga maxaa keena?
Post by: SomaliDoc on April 13, 2016, 03:00:03 PM
Cuqdad nafsiga waa afkaar qofka ku dhalatay kadibne aaminay kadibne saamayn ku yeelatay dhaqankiisa, waxaa loo kala qaadaa noocyo kala duwan sida in cuqdada waalidka laga qaado, walaalka, macallinka ama saaxiibka ama dambi aad gashay.
Wuxuu kaloo qofka cuqdada ka qaadi karaa naftisia sida isagoo aaminsan inuu dadka kale ka liito xag aqoon iyo xag maskax.

Badanaa dhakhaatiirta cilmunafsiga waxay sheegaan in cuqdadaha badanaa salka ku hayaan xaalada uu ku soo koray cunuga taasoo saamayn ku yeelato mustaqbalkiisa, badanaane way adagtahay in qofka isaga iska gooyo ama go'aan ka gaaro arrintaas.

Waxaa lagu xalliyaa wada-hadal, sheekeyso iyo wax isku tusaalayn, waana inuu qofka ka cabanayo cilladaan uu la kulmaa qof aqoon u leh cilmiga "psychology-ka"