Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdirisaaq Axmed on April 07, 2016, 10:23:56 AM

Title: Su'aal: Madax oo mar mar i xanuuna?
Post by: Cabdirisaaq Axmed on April 07, 2016, 10:23:56 AM
Asc. Marka hore salan kal iyo laab ah ha iga gudoman bahda pageka somali doc iyo dhakharka.
Anigu su' aashayda waxey la xiriirta madax xanun kadis ah oo ila 3 ilbiriqsi ama ka yar i qabta mar mar dhif ah malaha bishi mar ama isbuuci hal mar,
Calaamadaha; madaxa gadaashisa aya waxad mooda in musbaar ama wax mudac ah iga mudayo ama koranto i qabsanayso ama an moodo inay korontadu iga tageyso sidi an suuxayo oo kale.
Marka an sidas noqonayo waxa isla xiligas an dareemayo xanuunkan an ka dareema gacanta bidix agagaarka talaalka la iska siiyo ee muruqa garabka oo sido kale ii xanuunta sidi anigo irbad la igu mudayo, labadan dhacdo wa isku mar waxana la i haya ila 2-3 ilbiriqsi, meel kale ima xanuunto markas, marmarka qaar hadana wa la i qabta sakimo kadib ila 2-3 jeer oo kale oo hal daqiiqad gudohood ah.

Waxa intaas ii dheer oo macluumad dheeri ahan ku sheegaya digtoor inan leeyahay madax xanuunka migriane/gonjab oo an ka ogaaday isla pagekan kadibna an kaso xaqiiqsadey inan qabo goob caafimad. Sido kale waxan leeyahay cabudh sanka oo i xirma iyo indho casaan ah iyo gastric.

Waxan rabay digtoor inad sharaxad iga siiso xanuunka wuxu yahay.

Da'daydu wa 29 jir lab ah.
Horey nabar weyn oo an sheego madax igama dhicin marka laga reebo jugto caruurnimada laso wado maro.
Horey uma qaadan wax dawo ah oo la xiriirta arrintan marka laga reebo dawada migraine ka oo an dhowr bilood ka hor an bilaabay qaadashadeda.
Xanuunka waxan isku arkay ila dhowr sano lkn ahmiyad weyn ma siinin, nolol maalmedkaygana wax saameyn ah kuma laha lkn waxan dareemay ugu yaran sanad inu jiro oo yahay mid an la noolahay iga na baahan inan xal u helo si uusan dhibaato caafimad oo mustaqbal igu noqon.


Digtoore wad mahadsan tahay, wana ka cudur daaranaya qoraalka badan een so qorey.
Title: Re: Su'aal: Madax oo mar mar i xanuuna?
Post by: Cabdirisaaq Axmed on April 08, 2016, 09:20:14 AM
Dr waxan ka ilaabay inan lahaan jiray qiyaasti sanado oo an isku arkay calaamad ah inan habeenki markan jiifo inu hal mar dabku iga tago jirka oo dhan alyacni anan far dhaqaajin karin, qaylo ayan dhagaha ka maqla markan marxaladan galo, waxey soconeysa ilbiriqsiyo gudohood kadib ayan hal nar nafisa oo lay sii daaya, markaas wadnaha aya ad ii garaacma oo waxan gala xaalad cabsi ah waayo waxa la mid tahay sidi anigo gaadhi ama waxa ad u culus dushayda marayo, indhaha hadi an kala hayo iskuma qaban karo ila an ka baxo marxaladas kooban, sido kale indhaha ma kala qaadi karo, xita ma hadli karo, jirka oo dhana paralaysis ayu i noqda lkn xiskayga ama garashaydu way joogta, waxan dareema oo an moodi jiray markay igu cusbayd in nafta la iga saarayo oo malakulmowtka dusha iga culeysinayo.

Lkn hada wan la qabsaday oo waxan dadka ku dhaha habeenada qaarki korontada aya iga tagta.

Wax dawo ah uma qaadan, dhaqtarna ma waydiin oo waxan u haystay jin iyo wax caynkas ah.

Iskuma arag muddo gaareyso hal sano wana sababta an u ilaabay inan qoraalkaygi kore ku xuso. Sanadkas anan isku arag wa intan guursaday oo an galay nolol macaan oo xal u noqoto waxyabo badan oo an ka caban jiray sida hurdo xumo.


Waxa igu kalifay inan qoraalkan ka dabo keeni kii su'aashi hore aya ah inan xalay isku arkay dhibaatadan oo an horey u ilaabay.




Fadlan digtoore arrintan iga caawi, mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Madax oo mar mar i xanuuna?
Post by: SomaliDoc on April 14, 2016, 01:40:57 PM
Xanuunka Migraine-ka wuxuu leeyahay nooc loo yaqaano "Hemiplegic Migraine", kan waxaa dheeri ku ah xanuun laga dareemo gacanta iyo garabka kuna faafi karo jirka oo idil, qofka wuxuu dareemaa kabuubyo ama in dareenka ka tagayo oo kale, wuxuu kaloo qofka dareemaa in cirbad lagu mudmudayo oo kale, maqalka xitaa wuu isbadalaa, hadalkane qofka wuu ku dhagi karaa markuu qofka xanuunkaan hayo.

Waxaana la sheegaa migraine-ka noocaan ah inuu dhaxal noqdo, badanaa xanuunkaan wax kama taro daawada loo qaato migraine-ka oo waxaa loo qaataa daawooyina xaga neerfaha ah iyo kuwo qallalka, taasina waxaa kaa caawin doono dhakhtarkaaga weliba markii la hubiyo in xanuunkaan yahay sida aan u malaynayo.
Title: Re: Su'aal: Madax oo mar mar i xanuuna?
Post by: Cabdirisaaq Axmed on April 24, 2016, 05:07:44 PM
Asc dr iyo bahda somali doc. Waxan u maleynaya inay kaso waregtay mudadadi an su'ashayda so dhigay ku dhawad 20 cisho walina jawaab ma hayo.
Tankale dr wan aqriyay maclumad la xiriira dhibaatada su'ashayda la xiriira waxana helay macluumad ciwankisu yahay SLEEPING PARALAYSIS, hadaba madama an si qoto dher an u sharaxay calamadaha an isku arkay fadlan diktoore iso jawab oo waxa iga qaldan. Lkn calaamadaha an ku sharaxay in madaxa la iga mudayo ama turqayo islamar ahantana gacanta bidix la socoto way igu badatay maalmahan mana aqàano. Pls help
Title: Re: Su'aal: Madax oo mar mar i xanuuna?
Post by: SomaliDoc on May 06, 2016, 10:06:22 PM
Su'aasha mar horaa lagaaga soo jawaabay ee talada aan ku siiyay inta aadan cabashada soo qorin ka akhriso kor.
Title: Re: Su'aal: Madax oo mar mar i xanuuna?
Post by: Cabdirisaaq Axmed on February 27, 2017, 04:03:51 AM
Asc dr. Ad ayad ugu mahadsan tahay sida hagar la'anta ad bulshada ugu cawinayso aqoonta ilahay ku siyay. Ilaahay haka ajar siyo.

Dr ciladan an hada ka hor su'al kaso waydiyay ayan arkay adigo maanta dadka la wadaagay waxana layaab igu noqotay inay dad badan ila qaban. Jawaabta ayan in sha allah sugi doona.

Inkaston dr marki igu dambeysay ay ahayd marki u horeysay an su'ashan so dhigayay hadana jawaabtada ad ban xiisanaya.

Ilaahay dhaman muslimka inti jiran ha bogsiyo adiga na aduun iyo aakhiraba ku liban