Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu Wardi on April 10, 2016, 04:13:18 PM

Title: Su'aal: Waxaan bushimaha ka dareemayaa isbadal?
Post by: Ibnu Wardi on April 10, 2016, 04:13:18 PM
Asc Dr. Mahdi ugu horayn aad baan kaaga Mahad celinayaa shaqada aad u hayso bulshada soomaaliyeed, waxaan kamid ahay dadka Ku xiran webkaan mudo 5sano ah; sidoo kale waxaan Ku xirnahay page ka Facebook oo aan joogto u akhristo.

Dr. Muddo dhawr sano ah waxaan bushimaha ama faruuryahka dareemayaa isbadal, subixii waxaan soo toosaa ayagoo aad ii qalalan, subax kasta dub cusub ayaa ka dhaca, midabkoodii qayb baa caddaan midabka calaacasha oo kale ah yeeshay, wax xanuun ah iguma hayaan waloow mar mar aan is iraahdo ma barar year b Ku jira; dhawr taqtar wn u tagy oo talo wn la waydiiyay illaa hadda wax IGA shaafiyay maleh mawduucaan; tan kale wareer kale waxaas igu ah dhaqtarka quseeya bushimaha oo aanan helin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan bushimaha ka dareemayaa isbadal?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2016, 04:05:52 PM
Marka hore cilladaha ku dhaco faruuryahay waxay raacsan yihiin cudurrada maqaarka.
Midda kale isbadallada ku dhaca faruuryada way noocyo badan yihiin, waxaad u baahan tahay waraysi iyo in faruurtaada la arko.
Haddii cilladaan ay tahay mid kugu cusub waa in la ogaado wixii kugu soo kordhay, tusaale ahaan haddii aad daawo qaadatid, haddii dhiigbax kugu dhacay, haddii aad wax xasaasiyada ka qaaday markii ada marsatay ama cunta ama siyaabo kale kuugu soo gaaray.

Haddii cudur kale uu jirto taasoo faruuryahay sidaa ka dhigi karo.

Fadlan akhriso qoraalladaan haddii ay la xiriiraan cilladaada:
1- Jeexjeexa ama dildillaaca Faruuryaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5366.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5366.0)
2- Biijada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3346.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3346.0)