Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gantaal on April 10, 2016, 04:52:16 PM

Title: Su'aal: dawada layiraahdo (lyrica)iyo dawada layiraahdo (neurovit)?
Post by: Gantaal on April 10, 2016, 04:52:16 PM
Asc dr aadbaan kuugu mahad celin hayaa sida aad noogu faa iidaysaan su alahana noga baahi tirtaan intaa kadib laba su aalod baan wataa  tan koobaad waa dawada layiraahdo (lyrica)iyo dawada layiraahdo (neurovit) midba goonideeda yaala iigu sheegay oo dhakhtar iima sheegin e dad aan saxibo nahay baa ii sheegay  ooyidhi waan isticmaalaa waxay deheen spinel cord injury bay wax katartaa  mudo afar sano laga joogo bay xabad igu dhacday lafta dhabarka wax iga yeeshay waxaana ku nolahay south africa mahad sanidiin
Title: Re: Su'aal: dawada layiraahdo (lyrica)iyo dawada layiraahdo (neurovit)?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2016, 04:09:25 PM
Lyrica waxaa asalkeeda loo yaqaanaa "Pregabalin" waa daawo loo adeegsado waxyaabo badan oo ay ka mid tahay cilladaha neerfaha.
Neurovit iyadane waa daawo ka kooban fitamiinka B12 oo isagane loo yaqaano "Cobalamin" oo isagane u fiican dhaawacyada xangullaha lafdhabarta haddii cilladu ay la xiriirto fitamiinkaas oo yaraado.

Waa laga yaabaa daawadaan inaad ku dareentid isbadal dhinaca dareenka iyo yaraynta kabaabyada haddii ay jirto laakiin meel xabad ku dhacday isbadal wayn kama keenaan.
Title: Re: Su'aal: dawada layiraahdo (lyrica)iyo dawada layiraahdo (neurovit)?
Post by: Gantaal on April 30, 2016, 01:58:43 PM
Dr aadbaad umahad santahay lafdhabarta xabad baa dhawac iga gaarsiisay dareenka qaarbaa jooga oo wax waan dareemayaa inkasta oosan sidii caadigahaa ahayn waxaase maqan awoodi luguhu ku dhaqaaqi lahaayeen  marka walal keed igula talin lahayd mahad sanid
Title: Re: Su'aal: dawada layiraahdo (lyrica)iyo dawada layiraahdo (neurovit)?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2016, 09:34:13 PM
Labada daawaba waa la isku qaataa ee alle bari inuu dareenka lugahaaga kuu soo celiyo, daawadu waa kaalmaati.