Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saneeti on April 10, 2016, 05:08:27 PM
-
asc dr waan ku salamay dr salan waad ku mahadsan tahay sida wangsan oo aad bulshada ugu waci kilineeyso dhanka cafimadka
wadankeen waxaaa ku soo badanayo cudarka loo yaqaano MDR TB oo 2 sano la qadanaayo dawadeeda Dr qofka qadanaayo dawadaas hadii uu xaaskiisa u galmoodo wax dhib ah miyuu kala kulmaa dhanka dawada dhaqaatiirta qaar waxeey dhahaan qofka dawada qadanaayo waxaa ka mamnuuc ah balwad nooc walbo haa noqoto iyo in uu u galmoodo naag qaarna waxeey dhahayaan naagta waa iska caadi oo waxaa daran balwada un marka Dr iga jaahil bixin arintaas waxaa kaloo kaa rabaa qofka bukanka ah arinmaha lugula daliyo in uu sameeyo iyo wax yaabaha ka mamnuucah mahadsanid dr jawb wacan dr
-
Qofkaas waxaa balwada iyo galmo looga mamnuucaa inuusan tamarta ka lumin oo daawada waqti u hesho sidii uu jirka uga faa'idaysan lahaa, midda kale dhinaca galmada waa muhiim inuu ka fogaado si uusan cudurkaas u qaadsiinin xaaskiisa maadaama daawadiisu ay dhib badan tahay.
AKhriso qoraal ku saabsan MDRTB: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5858.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5858.0)
Akhriso Galmada iyo qaadashada daawada TB-da: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6322.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6322.0)