Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maimunakhalif on April 10, 2016, 05:55:47 PM

Title: Su'aal: Midabkeygii wuu badalmay?
Post by: Maimunakhalif on April 10, 2016, 05:55:47 PM
Asc slaan ka dib waxa weydiina doctor ka in markiin aan yaraa aan aad u cadaa yacnii aan ahaay dadka light sinka leh  marba marka ka sii danbeso kalarkeygii wuu sii yaraanaa yey mana isticmaalin waligey wax daawo oo la isku cadeeyo hado oon àn jiro 19 wxan ahy maariin dadkii iyaqaanay 8 sano kahor wey ila yaabaan adi maba tihid ayey i dhahaan marka mxaa keeni karo qofka in uu midabkii uu kudhashay ka qayirmo mxaan lagu soo celin karaa .shukan
Title: Re: Su'aal: Midabkeygii wuu badalmay?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2016, 04:13:43 PM
Dhul kuleele ah miyaa ku nooshahay?
Wax balwada ah ma leedahay?
Daawooyina aad qaadatid miyaa jira?
Cudurro aad leedahay miyaa jira sida Macaanka oo kale?

Inta aan kor kugu soo waydiiyay waa waxyaabaha midabka qofka badalo, waxaa intaa sii dheer nafaqo darrida iyo cunista cunno aanan isku dheellitirnayn.
Title: Re: Su'aal: Midabkeygii wuu badalmay?
Post by: Maimunakhalif on April 26, 2016, 08:59:15 AM
doctor waad mahadsantahy horta .intaad ku sheegtay meesha mid ma qabi.   cudur aan ka eheen elagic & gaas .nafaqadeyedana alxm wàn cuna balance diet
Title: Re: Su'aal: Midabkeygii wuu badalmay?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2016, 08:58:32 PM
Iska ilaali qoraxda kulul,
Badso cunista qudaarta iyo fruuts-ka
Cab biyo badan
Hurud hurdo kugu filan
Ka fogow welwelka iyo stress-ka.

Intaa haddii aad samaysid isbadal midabkaaga waad dareemi doontaa insha'llah, haddii aysan cillad jirin.