Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Cabdul Waduud on April 10, 2016, 10:23:14 PM

Title: Su'aal: Kareemada loo isticmaalo xiirista timaha?
Post by: Umu Cabdul Waduud on April 10, 2016, 10:23:14 PM
Asalaamu caleykum, Alle jano abaalkiina ha ka dhigo shaqada wanagsna ee umada u heysaan,aamiin
Su'aasheyda waxaa waaye: 1.Kareemada weliba kuwa dumarka u gaarga ah baan kala jeedaa oo  loo isticmalao xiiritaanka timaha kilkilaha iyo kuwa hoose ma leeyihiin dhibaato caafimaad  mid dhow iyo mid fogba ????

2.Qaabkeyse ugu wanaagsan oo uu iskaga xiiri karaa qofka timaha kilkilaha iyo kuwa hoose si caafimaadeysan?, 3.Muxuuse isticmaalayaa markuu iska xiiraayo, ma manqas mise wax kale??,  5. Isku wax maa lagu xiirayaa timaha kilkilaha iyo kuwa hooseba?, 6.ilaa meeqo maalmood ayee qaadaneysaa iney soo baxaan timahaas??
Waa mahadsan tihiin.
Title: Re: Su'aal: Kareemada loo isticmaalo xiirista timaha?
Post by: SomaliDoc on April 26, 2016, 04:04:01 PM
Kareemyadaas caafimaad ahaan am fiicna oo unguyada tinta soo saaro ayay badalaan oo waxaa dhici karto inay kansar keenaan ama nabro kaa soo bixiyaan, haddaa iska xiirayso isticmaal alaabta ay raggu garka iskaga xiiraan, kuwaan oo tinta safiican kuugu jari kara, saamayn caafimaadne jirka ku reebi doonin insha'llah.

Labada meelne waa loo isticmaali karaa.
Title: Re: Su'aal: Kareemada loo isticmaalo xiirista timaha?
Post by: Umu Cabdul Waduud on April 29, 2016, 11:02:06 PM
Alle ajar ha kaa siiyo,aamiin
Sharootada lagu dhajinaayo ee lagu jaro timaha iyadana wax dhibaa mey ledahay??
Title: Re: Su'aal: Kareemada loo isticmaalo xiirista timaha?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2016, 09:30:28 PM
Waa sidoo kale, qaabkaas waxay jirada ka soo jaraysaa tinta, oo unuggii ayay dhaawacaysaa oo ma fiicno.