Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on April 10, 2016, 11:55:14 PM
-
waxaan rabaa in aan wax ka ogaado ilmo yar oo gabar ah oo xubinta taranka hoosteeda una dhow godka saxarada eey ka soo baxeen cad yar oo dheer markii eey dhalatay ilaa hada jiirasho ayeey sameeysaa xiliga saxarada mana adka saxarada hooyada ma eeysan arkin cadkaan yar ee soo baxay hada unbaa waaga ku baryay wel wel ayeeyna la joogi la dahay oo waxay ka baqeeysaa in la dhaho waa labeeb aan labna ahayn dhadigna ahayn ama isku ah labadaba marka sidee lagu ogaadaa calaamadaha qofka isku ah lab iyo dhadig mase noqon kartaa wax kale
-
Labeeb markii caafimaad ahaan loo hadlayo waxaa laga wadaa qof xubnihiisu taranka iyo muuqaalkiisu aysan islahayn ama qof labadii xubnoodba leh.
Sida aad uga hadashay cunuga yar inuusan labeebnimo ahayn ayay u badan tahay, maxaayeelay meesha aad tilmaantay inay wax ka soo baxeen, labeebku waxba kuma yeesho, meesa cawrada lagu yaqaanay ayaa muuqaalkeedii sibadali kara kaliya, markii sidaan loo sharxo labeenimada erayga u dhigma wuxuu noqonayaa "Intersex".
Laakiin maamada kula tali inay dhakhtar u gayso si loo hubiyo.
Waxaa kaloo jiro xaalad caafimaad ahaan loo yaqaano "Testicular feminization syndrome" oo ah qof leh xubnihii taranka ragga laakiin gudaha ku leh ugxan sidihii dumarka.