Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saabiradacad on April 11, 2016, 09:26:44 PM
-
Asc dr aad ayad u mahadsantahay su'aasheydu waxa ay tahay muddo ayan ka xanunsanayay qaska agteeda meel ah wax kuusan ayey yeelatay lugta dhan wey ila xanuni jirtay dhaqtar ayan u tagay dawoyin qalajiya ah ayu ii qoray waa qanjir ayu yiri dawadii ilahay caafimad iiguma uusan darin markan ku noqdayna dr wuxu igu yiri wan ka bixin dhaqatiir kale ayan tusay meshan meel qanjir ma ahan ayey igu dhehen
-
Meesha aad tilmaamayso haddii ay saracda tahay meesha lugta iyo qaska iska galaan, way dhici kartaa inay qanjir tahay, waxaana qanjirradaas barariyo infekshan jirka ku jira, taasoo astaan u ah in qanjirka uu heer difaac ku jiro, caabuqayadaas way noocyo badan karaan, meelo kala duwan ayay ka imaan karaan, sida lugta meel ka mid ah, xiniinyaha, ibta guska, iyo meel ka agdhawba.
Marmarka ay daawadu wax ka tari wayso xad ama dheecaan ayaa laga qaadaa oo waa la baaraa.
-
Wad mahadsantahay Dr ma aha saracda ee waa qaska gorkiisa ama burtuq yarna waaye oo adag misana fakaneysa marka la taabto
-
Fadlan dhakhtar la xiriir si laguu wiisiteeyo.