Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Torayo on April 12, 2016, 09:34:50 PM

Title: Su'aal: Indhaha hoostooda ayaan ka dareemoyaa?
Post by: Torayo on April 12, 2016, 09:34:50 PM
Indhaha hoostooda ayaan ka dareemoyaa inay iga godmooso wajigana wuu iga qormay mana isticmaalo wax cream ya ah maxaa keeno??
Mida kale maalinti hurdo ayaan raba marka an sarirta tago hurdadi ihaysay way iga tagee waxaana daremaa daal fara badan maxaa xal ah dr ???
Title: Re: Su'aal: Indhaha hoostooda ayaan ka dareemoyaa?
Post by: SomaliDoc on April 29, 2016, 09:02:16 PM
Indhaha oo god galaan iyo lafaha wajiga oo soo fiiqmo waxay astaan u noqon kartaa fuuqbaxa, cudur kuu qarsoon ama miisaanka oo kaa lumay ee fadlan haddii ay jiraan cillado kale sida qufaca joogto ah, cunno xumo, kaadi badan, neeftuur iyo daal, fadlan la xiriir dhakhtar.
Haddii intaasba aadan lahayn ku dadaal cabista biyaha oo ugu yaraan maalintii cab 2 illaa 3 litir.