Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hussein Hashi on April 17, 2016, 09:58:46 PM
-
Asc Wrwb salan ka bacdi aad ayad u mahadsan tahay doctor howsha wanagsan aad umada u heysid iyo sida aad uga habaqtireysid cilmiga uu illah ku barey hadan u soo labto su,aasheyda aan rabo inan ku weydiiyo. doctore waxan rabey inan wax ka weydiiyo cilad aan in muda ah isku arkayo taa oo ah waxan muda 10 sanadood ku dhaw xanuun iga haya Carabka in bdna dhakhtarka wan tagey lkn ilaa hatan wax xal ah uma aanan helin iyo qaab aan ula tacalo, soomalida qaar waxey ku shegan xanunkan oo kale umulow oo carabka ayaa marba meel wax nabar ah cml ku yelanayo hadana ka reysanayo run ahantii aniga ahanteyda aad ayaa u dhibsadey dhowr mar aan dhakhatiirta u tageyna wax cudur ah mahan ayey leyihiin lkn hadii uusan cudur aheyn muxuu u soo noqnoqonaya uusan u reysaneyn bal doctore bal waxii illah ka barey wax iiga sheeg sida aan uga gudbi karo dhibkas cafimad wadna mahadsan tahay wa salama caleykum
-
Waxaa umulowga lagu qaldaa xasaasiyada carabka ku dhacdo oo laga qaado cunnada qaarkeed, waxaadne ku ogaan kartaa marka uu ku go'goayo ama nabraha soo baxayaan waxa aad cuntay ama badana cuntid, taas waxay kaa caawin doontaa in aad ka fogaato waxaas.
Haddii aad joogtid meel lagu baaro waxyaabaha xasaasiyada aad ku tahay waa la baari karaa, laakiin haddii aa u kuurgasho waqtiyada nabraha kaa soo baxaan waad fahmi kartaa maadaama aad xanuunsanayd muddo 10 sano ah.