Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Honestboy on April 18, 2016, 02:17:01 PM

Title: Su'aal: Xanuun Bartan Xabadka Ah Iyo Qaska Lugta?
Post by: Honestboy on April 18, 2016, 02:17:01 PM
Asc Wrb amaantiina masoo koobi karo allaha idinka abaal mariyo.

Waxaan rabay waxaan dareemayaa xanuun hool camal ah bartamaha xabadka shantii sano ama afartii sano ee u danbeysay mar mar baan dareemi jiray, lakin hada waa zaaid, waxan kaloo rabay halka qaska ah lugta bidix ayaa wiriq idhahday dhowr habeen ka hor hada waxan marayaa heer aan is gedin karin, si fiican u fadhiisan karin lugta qaadi karin lakin socodka aay caadi tahay.

Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Xanuun Bartan Xabadka Ah Iyo Qaska Lugta?
Post by: SomaliDoc on May 06, 2016, 08:53:45 PM
Waxay u badan tahay inay wax kaa gaaraan seedaha miskaha ee sinta ku hayo miskaha, hadduu xanuunka soo kordho fadlan la xiriir dhakhtar.
Midda kale iska hubi qanjirrada meesha ku yaallo inay bararan yihiin iyo in kale, haddii qanjirradaas ay soo bararaan, si dhakhso ah dhakhtar ugu tag.
Title: Re: Su'aal: Xanuun Bartan Xabadka Ah Iyo Qaska Lugta?
Post by: Honestboy on October 24, 2019, 01:07:15 AM
Dhaqtar weli waxan dabo joogaa suaashii aan kuweydiiyay 3 sanno ka hor qaska ayaa i xanuunayo ma bararno wax qanjir ah lugta ma fidin karo tan kale feerihii sanadkiiba mar ayay sidii ii xanuunaan oo xattaa ma hindhisi karo, maxey noqon kartaa wixi suaal dheeri ah wad iweydiin kartaa wan ka jawabi. Aad baa u mahadsan tahay adiga iyo intii suuro gelisay webkaan qiimaha badan