Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salaan Abdi on April 18, 2016, 11:44:37 PM

Title: Su'aal Dhego xanuun maxaa u daawo ah ?
Post by: Salaan Abdi on April 18, 2016, 11:44:37 PM
Asc
Somalidoctors allah ha idinka jasaa'i siiyo sida fiican ee aad u caawisaan bulshada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Waxa aan ku waydiin lahaa diktoor muddo sanad ku dhaw waxa dhawr jeer igusoo noqnoqday dhego xanuun sida cuncun iyo waxyar oo qoyaan ah markaan dhakhtarka u tago waxa uu isoo qoraa uun eardrops dhibcaha dhegta iyo kiniinyar kadibna way ladnaataa mudo kadibna wuu soo noqdaa xanuunkii markaas waa maxay xanuunkaasi ? Maxase lagu dawayn karaa ? Durbaanka dhegtu haduu wax noqdo maxaa la dareemaa ? Maxaase lagu dawayn karaa ?
Da'dayduna waa 26 jir.

Allaah ya cizakum.
Title: Re: Su'aal Dhego xanuun maxaa u daawo ah ?
Post by: SomaliDoc on May 06, 2016, 08:57:56 PM
Durbaanka hadduu wax noqdo waxaad dareemaysaa guux iyo dheecaan aan kala go' lahayn, laakiin marka soo socoto haddii dhegta dheecaan ay yeelato, hala beero oo hala ogaado bakteeriyada kaa heyso waa noocee.

Midda kale meel huur badan oo aad ugu dhidid miyaa ka shaqeysaa? Mise dhagaha ayaa joogto u qoryeysaa?