Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maahir12 on April 19, 2016, 12:22:28 PM
-
Ascwrx wbr baahda somalidoc.com waxaan rabaa inaad iga jaahil bixisaan daawada laga xayaysiiyo TVga universal oo la leeyahay waa daawa dhireed waxayna ku sheegaan inay tahay mid raganimada xoojinayso shirkada ama qolada magacoodu waa ibnu qayim al joosi
wcs wrx wbr
-
Daawooyin badan ayaa laga xayeysiiyaa TV-yada iyadoo la sheego inay waxtar u leedahay xanuunno bulshada ay ka sheegato.
Wayna jiraan shirkado ganacsi ahaan u keensado daawooyin aan waxba ka jirin ama dhibaato u keeni kara bulshada, sidaa daraadeed ma kala ogaan karno maadaama aan daawooyinkaas u baahnaan karaan baaris sheybaar si loo ogaado marka hore waxa ay ka samaysan yihiin, kadibne waxtarkeeda waa laga hadli karaa.