Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on April 19, 2016, 05:24:38 PM
-
Asalaamu caleykum drka iyo bulshada ku taxan webkanba waa salaamayaa.
Sido kale waxan drka uga mahad-celinayaa shaqadan laf-dhabarka ah ee uu nohayo jazakalahu canaa kheyraa.
Hadaan ugudbo su'aasheyda, dr waxaan ahay nin dhalin yara ah oo 20 jir ah wali ma guursan.
Waxaan isku arkey in labadeyda xiniinyood kala weyn yihiin oo waxaa weyn xiniinta bidix.
Wax xanuuna kama dareemo lkn waxan arkey uun iney kala weyn yihiin.
Arintan ma caafimaad daraa oo dhakhtar baan la xiriiraa mise waa normal?
Hadey cafimad daro noqoto dhakhtarkee qaabilsan?
MAHADSANID
-
In labada xaniinyood ay kala waynaadaan ama kala dheeraadaan waa arrin dabiici ah oo ragga ku badan, khaasatan haddii aysan wax dhibaato aadan dareemaynin.